|
Wararka Maanta - May 19, 2013 |
Dhagaxtuurnews;-
19 April, 2013. Jubbaland - Waamo Ma
dowladda Federaalka ayaan taageersaney mise
dastuurka KMG ah ayaa la garab maray.
Waxaa toddobaadyadii tagay ka socday
magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose ee
dalka Soomaaliya shirar la doonayay in
maamul loogu sameeyo gobollada Jubbada hoose,
Jubbada dhexe & Gedo, maamulkaas oo loogu
magacdaray Jubbaland, halka qaar kalena ugu
magacdareen Waamo, haddaba gebagabadii
shirarkaasi waxaa ka soo baxay is dhexyaac
siyaasadeed & hardan dhinaca awoodda ah oo
markii horeba cabsi badan laga qabay,
sidaasi darteed, waxaan qoraalkeygan si
faahfaahsan ugu qaadaa dhigayaa aniga oo ka
eegaya dhinaca sharciga.
Read
more.... |
|
Wararka Maanta - April 15, 2013 |
Dhagaxtuurnews;-
15 April, 2013. New book Maamulladii &
madaxdii soo martay Soomaaliya. "Somalia's
past and present' Administrations and
Leaders".
This "Who’s Who" of Somalia’s noteworthy
figures, makes a fascinating reading and in
my opinion is an excellent guide to anybody
who is interested in the political history
of Somalia. The author has carried out an
extensive and meticulous research to
assemble and document all these facts about
Somalia's leaders of the past half a
century.
Abdullahi Hajji, Former Senior BBC
Producer,
Somali Section. BBC WORLD SERVICE.
London, United Kingdom |
|
Wararka Maanta - Axad,
June 17, 2012 |
GAARI
WALXAHA QARXA LAGA SOO BUUXIYEY OO LAGU
QARXIYEY SUUQ BACAAD:
Qarax weyn oo
ay ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof oo
rayid ah ayaa ka dhacay suuqa 2-aad ee ugu
weyn magaalada Muqdisho, SUUQ-BACAAD.
Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo
buuxiyey walxaha qarxaha lasoo dhigey meel
ka mid ah suuqa, kadibna la qarxiyey iyadoo
lala eeganayo xubno
ka tirsanaa ciidanka dawladda mar ay halkaa
marayeen hase yeeshee wararka ayaa sheegaya
in hal askari kaliya uu ku dhaawacmaya halka
inta kale ay ahaayeen rayid suuqa ka
adeeganayey. |
|
Wararka Maanta - Axad,
June 17, 2012 |
Somalia:
Soldier Injured By Suicide Bomber in Afgoye
AMogadishu — A suicide bomber and member
of jihadist group Al-Shebab rammed a car
laden with explosives into the front gate of
a government base in Afgoye, a town thirty
kilometers away from Mogadishu. Further
details are emerging about the extent of the
damage caused by yesterday's suicide car
bomb attack on the local government
headquarters in Afgoye. The head of regional
security services, Khalif Hashi, confirmed
to RFI today that one Somali soldier was
wounded in the attack. Several civilians
were injured when the suicide bomber rammed
a car laden with explosives into the front
gate of a government base in the town, which
is just 30 kilometres from the capital,
Mogadishu. |
|
Wararka Maanta - Talaado,
January 09, 2012 |
WASIIRKA
HAWLAHA GUUD IYO DIB-U-DHISKA OO KHADKA KULA
KULMAY
ODAYAASHA BENAADIRIGA EE UK.
Ka
dib markii abaabul dheer iyo wadahadal uu
sameeyey Wasiir ku xigeenkii hore ee
wasaaradda Maaliyadda Mudane Sheekh Mukhtaar
Sheekh Shuute ayaa waxaa shir isugu yimid
Qowmiyadda Benaadiriga ee ku dhaqan dalalka
Soomaaliya & Ingiriiska, shirkaas oo ay ku
ballan sanaayeen dhammaan Benaadiriga ku
kala nool adduunka daafihiisa kala gedisan,
sida kuwa ku sugan USA, Kanada, Ustralia,
Sweden & Talyaaniga, oo ay uga soo qeyb geli
rabeen khadka teleefanka oo cillad farsama
awgeed u suurta geli weysey.
Read
more......
|
|
Wararka Maanta - Talaado,
December 20, 2011 |
Ciidamo ka
socda Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee
Djibouti oo Muqdisho soo gaaray.
Ciidamo
tiradoodu ay gaareyso illaa 200 oo askari oo
ka tirsan ciidamada jamhuuriyadda Djibouti
ayaa soo gaaray caasimadda dalka Soomaaliya
ee Muqdisho subaxnimadii hore ee maanta ka
dib, ballanqaadkii dowladda dalkaasi ay
horay u sheegtay.
Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Uganda
iyo Burundi ayaa la arkayay iyagoo
dhaqdhaqaaqyo lagu adkeynayo ammaanka ka
sameynaya daafaha Muqdisho iyo garoonka
diyaaradaha, waxaana qaybo ka mid ah
garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xiray
calanka jamhuuriyadda DJibouti. |
|
Wararka Maanta - Arbaco,
Oktoobar 20, 2011 |
|
KELIGII
TALIYIHII LIBIYA, QADDAAFI, OO KU BAXAY
GACANTA DADKIISA LIIBIYA
Xoogagga
mucaaradka Liibiya ee ay taageerayaan
Isbahaysiga NATO ayaa gacanta ku dhigey
kadibna diley hoggaamiyihii hore ee dalka
Liibiya, Mucamar Qadaafi. Warar sugan ayaa
xaqiijiyey in keliye-taliyaha la qabtey
isaga oo nool kadibna la diley, iyadoo
wararka qaarna ay sheegayaan in dad
careysani ay jirdil nafta uga qaadeen.
Afhayeen u Hadley xaagagga NTC ee talada
dalka Liibiya la wareegey ayaa sheegey in
Qadaafi laga soo saaarey isagoo ku
dhuumanaya bullaacadaha biyaha wasaqda ah
qaada. |
|
Wararka Maanta - Talaado,
Oktoobar 18, 2011 |
Ciidamada dalka Kenya oo galay gudaha dalka
Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda Al
Shabaab.
Dhagaxtuurnews,
18 Oktoobar, 2011- Wasiirrada arrimaha
dibedda & Gaashaandhigga ee dowladda Kenya &
wefdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan ayaa
maanta booqasho lama filaan ah ku tagay
magaalada Muqdisho, ka dib markii ay
ciidamada dalkaasi gudaha u galeen xuduudda
dalka Soomaaliya la leeyahay dalka Kenya.
Wasiirradan ka socday dalka Kenya ee Moses
Watangula & Yuusuf ayaa la kulmay wasiirada
arrimaha dibedda & gaashaandhigga ee
dowladda KMG ah ee dalka Soomaaliya.
Kulankii ay maanta ku yeesheen magaalada
Muqdisho isla markaana la hadlay saxaafadda
ka dib markii uu dhammaaday u sheegeen in ay
ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan
lahaayeen dagaal buuxa oo ay la galaan
kooxda Al-Shabaab.
Waxaa isa soo taraya khatarta kooxda Al-Shabaab
ay ku heyso ammaanka gobolka gaar ahaan
dalalka Kenya Soomaaliya, wallow ay dowladda
Kenya beenisay in ciidamadeedu galeen gudaha
Soomaaliya, ciidamada la hadal hayana ay
yihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee
Soomaaliya oo lagu soo tababaray Kenya. |
|
Wararka Maarso 2011 |
Wararka April 2011 |
Wararka May 2011 |
|